Sanadka tagay ee aan caawa sagootinayo waa sanad lagu xasuusan doono guulo badan oo degaanku ka gaadhay xaga amniga iyo nabadgalyada. Waxaa la xaliyay qaybo badan oo kamid ah khilaafaadyadii jiray iyadoo in yar oo dhimana gacanta lagu hayo oo lagu jiro dhamaytirkii u danbeeyay.
Sanadku waa kaltirsi aadamaha u ah halbeeg uu ku cabiro cimrigiisa iyo guulaha uu ka gaadho qorshayaashiisa horumarineed.
Dhinaca kale waxaa lasii adkeeyay guulihii hore looga gaadhay xaqiijinta iyo sugida amniga si shacabku u helo damaanad amni oo ay isku halayn karaan. Waxaa la abuurayo kalsooni amni oo lagu aamini karo nafta iyo maalka muwaadiniinta.
Sanadka bilanaya waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid hoodo badan oo cawo iyo nasiib badan inoo leh. Sanadka cusub waxaa qorshaysan in la adkeeyo midnimada iyo wada jirka bulshada si aan wax ula qeybsano bulshada weynta dalka.
Sidoo kale waxaa qorshaysan in la xoojiyo mabaadii sal ay u tahay somalino iyo in dhidibada loo taago midnimo qowmi ah si aan uga gudubno caqabada ka dhasha danaha ash-khaasta ee saamaynta kuyeesho bulshada.
sanad waliba hoodiyo, hawl iyo dhibaatiyo, wuxuu hadimo leeyahay, waalaga helaayo hadhaw lagu xasuustaa. Kii noo hagaagee noqo loo han-weyn yahay
Qaar kaa horeeyo hodana na dhaafee, halkii loogu mahadnaqay ka habaabi meyside. kuwa hadhayna dabada waa la hubsan doonaa kii noo hagaage noqo loo hanweyn yahay.
W/Q Cabdiqadir Rashid Duale Hogaanka nabadgalyada dowlad deegaanka Soomaali.


