
Barri waxaa bilaabmaya sanadkii cusbaa ee Taariikhda Itoobiya. Sanadkii tagay waxaa inoo qabsoomay wax badan oo fiican oo ay ka mid yihiin xasiloonidda, xorriyadda, koboca diinta iyo akhlaaqda bulshada, mashaariic mug wayn, iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo balaadhan. Waxaa si caddaalad iyo soomaalinimo ah looga jawaabay qaar kamid ah tabashooyin soo jireen ah oo ay qabeen shacabku, gaar ahaan kuwo ayna horay u gaadhin adeegyadda dawladdu.
Waxaa sanadka cusub xoogga la saari doona dib-u-habeeynta shaqaalaha dawladda si loo xaqiijiyo in shacabku helaan adeeg huffan.
Waxaa kale oo la dhamaystiri doonaa boqolaal mashruuc oo waxtar u leh bulshadda.
Waxaa kor loo qaadi doonaa awooda iyo anshaxa hay’adaha amniga.
Waxaa dagaal adag lagu qaadi doonaa afkaaraha halista ku ah wadajirka bulshada iyo nidaamka dawladnimadda ee ka dhashay si xun u isticmaalka xorriyadda hadalka.
Waxaa dib u habeeyn qoto dheer lagu samayn doonaa hay’adaha Cadaaladda.
Waxaa la sii laba jibaari doonaa dadaaladda muuqda ee dhanka Caddaaladda iyo sinaanta shacabka Deegaanka oo ah damaanadda kaliya ee lagu heli karo Deegaan middeeysan oo nabad ah.
Ilaahay nabad ha inagu gaadhsiiyo.


