5 ilaa 6 sano gudahood oo Ethiopi lagaga hirgalin doono 7 mashaariic oo waa wayn

5 ilaa 6 sano gudahood oo Ethiopi lagaga hirgalin doono 7 mashaariic oo waa wayn

Sida lagu baahiyay Telefishinka Qaranka Ethiopia(EBC), muddada shanta ilaa lixda sano ee soo socda waxaa dalka Ethiopia laga hirgelin doonaa toddobo mashruuc oo waaweyn, kuwaas oo ku kacaya kharash dhan 30 bilyan oo doolar.

Mashaariicdaasi waa:

  1. Dhismaha Xarunta Tamarta Nukliyeerka
  2. Furitaanka Warshad Gaaska
  3. Dhismaha Warshada Sifaynta Shidaalka
  4. Dhismaha Garoon Diyaaradeed oo noqon doona kan ugu ballaaran Afrika
  5. Dhismaha Warshadda Labaad ee Gaaska
  6. Dhismaha Warshad Bacriminta
  7. Dhismaha 1.5 Milyan Guri oo shacabka dalka oo dhan loo dhisayo

Mashaariicdan ayaa lagu tilmaamay kuwo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha dalka, isla markaana abuuri doona fursado shaqo iyo horumar ballaaran oo taabanaya bulshada Ethiopia.

Sida aan xogo hordhac ah ku helnay waxay sheegayaan in 4 ka mid ah mashaariicdan laga fulin doono deegaanka Soomaalida.

Hiraal Media